Martha Koome oo guddi u saaraysa kiis ka dhan ah Sonko

0
512

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amartay in dhageysiga dacwad laga gudbiyay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko lagu wareejiyo madaxa cadaaladda wadanka garsoore Martha Koome.
Waxay Koome soo saari doontaa guddi eegaya inay suurtagal tahay in Sonko loo oggolaado ka qayb qaadashada tartanka siyaasadeed ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Garsoore Anthony Mrima ayaa sheegay inuu ka war qabo dacwado kale oo laga gudbiyay Mike Sonko kuwaasoo hor yaalla maxkamadaha Eldoret iyo Mombasa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrintan uu si qoto dheer uga baaran degay oo ayna u soo baxday in loo gudbiyo madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome.
Mas’uulkan hore ayaa ka mid ah musharraxiinta xilka guddoomiyaha ee ismaamulka Nairobi taasoo ay ka soo horjeedaan shakhsiyaad diiddan in Sonko uu mar kale qabto xil hoggaan.
Siyaasigan ayaa ka mid ah 25 qof oo dhawaan maamulka qaran ee hufnaanta uu soo jeediyay in laga hor istaago u tartamidda jagooyinka hoggaamineed maadaama aynan buuxin shuruudaha dastuuriga ee hufnaanta laga doonayo hoggaamiyaha wanaagsan.