Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in hannaanka cusub ee ay dowladdu ku maalgelinaysa waxbarashada jaamacadaha iyo machadyada farsamada laga dheehan karo cadaalad darro.
Waxay sheegtay in ay jiraan arday ka cabanaya qarashaadka laga doonaya in ay waalidiintooda bixiyaan.
Koome ayaa tilmaantay in loo baahan yahay in dib loo eego heerarka kala duwan ee lagu saleeyay awoodda dhaqaale ee qoysaska ay ardayda ka soo jeedaan.
Waxay soo jeedisay in la doonayo in la mideeyo deeqaha waxbarasho iyo amaahda lacageed ee ay dowladdu bixiso.
Madaxa waaxda cadaaladda ayaa tusaale u soo qaadatay in ismaamullada, xildhibaannada , wakiillada haweenka , guddiga HELB iyo sanduuqa jaamacadaha ay ardayda ka taageeraan dhanka qarashaadka waxbarashada sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay is waafajinta dhinacyadan .
Hasa ahaate , waxaa soo jeedintan ka soo hor jeestay guddiga sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF) .
Guddoomiyaha guddigan ahna xildhibaanka deegaanka Eldama Ravine ee ismaamulka Baringo Musa Sirma ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay garab siiyaan sidii uu u sii shaqeyn lahaa sanduuqan dhaqaale.