Madaxa xisbiga Narc-Kenya kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio, Martha Karua ayaa sheegtay in la joogo xilligi ay dowladaha Kenya iyo Maraykanka yeelan lahaayeen wada hadallo kama dambeys ah oo ku aaddan sida magdhow lacageed lagu siin karo dhiibanayaasha weerarkii 7-dii bishii Siddeedaad ee sanadkii 1998 lagu qaaday safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay shalay ka qayb gashay xuska sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegatay qaraxaasi.
Karua ayaa carrabka ku adkeysay in wada hadallada ay muddo soo socdeen oo labada dowladood laga doonaya inay magdhow siiyaan qoyska dadkii weerarkaasi ay waxyeelladu ka soo gaartay.
Sidoo kale waxay dhibbanayaasha ku bogaadisay sida ay ugu dhabar adeegeen inay cadaalad helaan.
Guddi gaar ah oo aqalka sare u qaabilsan sidii ay dhibbanayaasha ku heli lahaayeen magdhow oo ay hoggaaminaysa senatarka ismaamulka Machakos Agnes Kavindu ayaa sheegay inay dhigooda Maraykanka kala hadli doonaan sidii arrintan lagu soo gabagabeyn lahaa.
Weerarkaasi oo sidoo kale ka dhacay Tanzania ayaa waxaa gudaha Nairobi ugu dhintay ugu yaraan 213 qof oo kenyaan ah halka ay ku dhaawacmeen ilaa 5,000 oo qof oo kale.