Martha Karua oo ka hadashay in Raila uu u xushay madaxweyne ku xigenkiisa

0
522

Hoggaamiyaha xisbiga NARC Kenya Martha Karua ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay awoodna u leedahay in ay u tartanto xilka musharraxa madaxweyne ku xigenka ee isbeheysiga Azimio ee doorashada Ogosto.
Karua ayaa arrintaan shaca ka qaaday waxyar un kadib markii lagu dhawaaqay in ay tahay madaxweyne ku xigeenka maamulka mustaqbalka ee Raila Odinga.
Hoggaamiyaha NARC Kenya Martha Karua ayaa farta ku fiiqday in la jooga xilligii fursad la siin lahaa haweenka kenyaanka.
Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aan muddo la sugayay.
Waxaa uu shaaciyay in wada tashi dheer ka dib uu madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua uu soo xushay inay ku xigeen u noqoto.
Arrinkan ayuu shaaca kaga qaaday xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Raila Odinga ayaa dhanka kale u magacaabay hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka inuu noqdo madaxa wasiirrada haddii isbeheysiga Azimio uu ku guuleysto doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth u soo xushay inuu noqdo afhayeenka aqalka sare haddii uu Mr. Odinga la wareego xilka madaxtinnimo ee dalka.
Wasiirka wasaaradda dhulalka ayuu u xushay barasaabka ismaamulka Mombasa Xasan Cali Joho, halka uu sheegay in wasiirka beeraha uu noqon doono Peter Munya ahna mas’uulka jagadan hadda hayo.
Waxaa uu guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya u xushay inuu noqdo wasiirka wasaaradda maaliyadda.
Haddii Raila Odinga uu ku guuleysto hoggaanka dalka ayaa waxay Martha Karua noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqoto Kenya.
Mrs.Karua ayaa ka mid ahayd ugu yaraan 10 musharrax ee loo soo xulay kuwaas oo la turxaan bixiyay, si xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay ku xigeen ugu noqdaan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga.