Martha Karua oo eedeyn u jeedisay Booliska

0
284

Hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa uga digtay saraakiisha booliiska inay raacaan amarada sharci darrada ah inta ay socdaan dibadbaxyada.
Iyadoo ka hadlaysay kulankii shalay uu qabtay isbahaysiga Azimioee kaas oo dhacay garoonka Kamukunji, Karua ayaa u sheegtay booliiska inaysan aqbalin in loo isticmaalo dhibaataynta Kenyaanka.
Mrs Karua ayaa ku eedaysay in saraakiisha booliisku ay haysteen amar ah in ay dilaan hogaamiyayaasha Azimio inta lagu guda jiro mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo.
Ku-xigeenka madaxweynaha ee isbahaysiga Azimio doorashada Guud ee 2022 ayaa tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayey xilligii mudaaharaadyadii ka dhacay magaalada Chuka.
Karua ayaa intaa ku dartay in Azimio ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada ilaa laga dhimo qiimaha maciishada.