Marsabit:3 kiis oo looga shakisan yahay Daacuunka

0
404

Ismaamulka Marsabit ayaa laga diiwaangeliyay ugu yaraan saddex kiis oo looga shakisan yahay inay yihiin cudurka daacuunka.
Dadkan ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Marsabit ka dib markii lagu arkay astaamaha xanuunka.
Dhanka kale shacabka Marsabit iyo deegaannada u dhow ayaa lagu boorriyay inay nadaafadda aad ugu dadaalaan.
Sidoo kale 6 qof ayaa la xiray ka dib markii ay soo baxday inay ku shaqeynayeen goobo cuntada laga cuno oo aynan ansixin waaxda fayadhowrka.
Sarkaalka caafimaadka dadweynaha ee Marsabit Rob Golicha ayaa sheegay in saddexda qof ee looga shakisan yahay daacuunka ay ka soo jeedaan ismaamulka Isiolo oo ay toddobaadkan ka soo safreen si ay uga qayb galaan munaasabad aas ah.