Maroodiga dhediga ee ugu wayn qaaradda Afrika oo ku geeriyootay Kenya

0
373

Waaxda adeegga duurjoogta Kenya ee KWS, ayaa u baroordiiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay oo 65 sano jir ahaa, iyadoo ku geeriyootay beerta duurjoogta ee Tsavo.
Maroodiga dhintay ayaa loogu wanqalay magaca Dida.
Waaxda adeegga duurjoogta dalka ee KWS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Dida ay ahayd Maroodiga dhediga ee ugu da’ weynayd qaaradda Afrika.
Dida oo sidoo kale loo yaqaan “Boqoradda Tsavo” ayaa waxay ka badbaaday caqabado badan, sida abaarta iyo ugaarsiga.
Waaxda adeegga duurjoogta dalka ee KWS  ayaa amaaneen Dida oo ay ku tilmaameen inay ahayd xayawaan adag markii ay dhibaato soo wajahdo.
Waxay dadka la wadaageen xubnihii xanaanaynayey Maroodiga sawirro, kuwaas oo muujinaya iyada oo sii galeysa beerta duurjoogta ee ugu wayn wadanka.

Dhanka kale labo Maroodi, ayaa macluul ugu dhintay kaymaha Imenti ee ku yaalla buuraha Kenya.
Abaarta hadda jirta ayaa saameyn wayn ku yeelatay duurjoogta, iyadoo in ka badan 100 Maroodi la diiwaangeliyey inay ku dhinteen seerayaasha qaranka ee Bariga iyo Galbeedka ee Tsavo ee Koonfur bari Kenya, sida ay sheegtay waaxda adeegga duurjoogta Kenya ee KWS .