Maroodi labo qof ku dilay ismaamulada Marsabit iyo Narok

0
139

Wararka naga soo gaaraya dowlad deegaanada marsabit iyo Narok ayaa sheegaya in labo qof ay u dhinteen dhaawac darran oo uu u gaystay maroodi soo weeraray.
Dhacdadii ugu horeysay, nin 30 jir ahaa oo ka tirsanaa Ciidamada booliiska kaydka ah ayaa waxaa ku tuntay maroodi xili uu ku sugnaa beerta Marsabit.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Lmalina Leado, ayaa watay qorigiisa G3, xilli uu marayey deegaanka Ndonyawas.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Duur-joogta Kenya ayaa goobta gaaray si ay ugu gurmadaan dhibanaha oo markii isbitaalka loola cararay uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray maroodiga.
Ciidamada ayaa bilaabay baaritaano la xiriira dhacdadan.
Dhanka ismaamulka Narok, wiil 14 jir ah ayaa maroodi ku dilay meel biyo ah oo ku taal tuulada Naroosura saacado ka hor.
Wiilkan ayaa markii la weeraray waxa uu la socday xoolo.
Waxaa loo qaaday isbitaalka Narok laakiin wuxuu u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Dhacdooyinkan ayaa muujinaya xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa bulshooyinka iyo duurjoogta guud ahaan Kenya.