Markab uu dab ku qabsaday bartamaha Filibiin

0
313

Waxaa lagu soo warramayaa in markab siday 120 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale uu dab ku qabsaday bad ku taalla bartamaha wadanka Filibiin.
Dhacdadan saameysay markabka M/V Esperanza Star ayaa la soo tabiyay waabarigii maanta.
Ciidamada ilaalada badda ee Filibiin ayaa laga soo xigtay in markabka uu ka yimid gobolka Siquijor oo uu ku wajahnaa gobolka kale ee Bohol.
Ilaa iyo hadda ma cadda tirada dadka ku waxyeeloobay dabka iyo inta la soo samatabixiyay.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii ugu yaraan 31 qof ay ku dhinteen dab markab ku qabsaday jasiiradda Koonfureed ee Basilan.
Bishii 12-aad ee sanadkii 1987, ayay ahayd markii la soo tabiyay dhimashadii ugu badnayd ee shilalka biyaha xilligaasi oo ay isku dhaceen markab rakaab iyo mid shidaal waxaana dhacdadaasi ku nafwaayay in ka badan 4,300 oo qof.