Waxaa lagu soo warramayaa in markab siday 230 qof uu ku soo xirtay dekadda dalka Faransiiska ee Toulon.
Ciidamada badda ee dalkaasi ayaa warkan xaqiijiyay.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo uu muran u dhexeyo dowladaha Faransiiska iyo Talyaaniga.
Markabka oo loo yaqaano The Ocean Viking, ayaa waxaa maamusho mid ka mid ah hay’adaha aan dowliga ahayn ee Faransiiska.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka rakaabka ah uu ka soo qaaday bad u dhow xeebta Liibiya.
Dowladda Faransiiska ayaan horay u oggolaan in markab samatabixin oo dad sido oo ka yimid dhanka badda Mediterranean-ka uu ku soo xirto xeebteeda balse waxay tani aqbashay ka dib markii Taliyaaniga uu diiday inuu rakaabka qaabilo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen baniaadannimo awgeed.




