Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uusan aqoonsan doonin Somaliland ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu taageeray aqoonsiga Somaliland.
Mareykanka ayaana iska fogeeyay aqoonsiga Somaliland.
Madaxweyne Trump oo waraysi uu bixinayay laga weydiyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil ayaa ku jawaabay mareykanka inuusan aqoonsaneen.
-Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil.
Midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay inuu si buuxda u garab taagan yahay qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhankooda Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’11l ee lagu tilmaamay in ay ku xadgudubtay wadajirka iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sacuudiga ayaa caddeeyey inuu garabtaagan yahay ilaalinta midnimada Soomaaliya.
-Dowladda Qatar ayaa si adag u muujisay diidmadeeda ku aaddan waxa lagu tilmaamay isku day aqoonsi Israa’iil iyo Somaliland.
-Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil u sameeyay waxa ay ugu yeertay “Dhulka Soomaaliland,” iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ayaa sheegtay in, maadaama Ciraaq ay hadda hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, ay arrintani wiiqeyso amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.
Ciraaq waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo midnimadooda, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah.




