Mareykanka oo sheegay inuu gacanta ku dhigay madaxweynaha Venezuela iyo Xaaskiisa

0
365

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu “qabtay” Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo xaaskiisa, kana saaray dalka ka dib weerarro “ballaaran uu mareykanka saaka la beegsaday Venezuela”.
Horay, dowladda Venezuela waxay Mareykanka ku eedeysay inay weerartay xarumo rayid iyo militari oo ku yaal gobollo badan, maadaama ay diiday “gardarrada militariga” ee Washington.
Dowladda Madaxweyne Maduro ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo qaran ka dib weerarradii taxanaha ahaa.
Madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa cambaareyn xooggan u jeediyay Mareykanka isagoo ku eedeeyay Washington inay qaadday “weerar dambiyeed” oo ka dhan ah Venezuela, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladda caalamiga ah.
Dhinaca kale Colombia ayaa hawlgalisay saldhig talis oo midaysan oo ku yaal xadka ay la wadaagto Venezuela.
Colombia ayaa ugu baaqday Ururka Dowladaha Mareykanka iyo Qaramada Midoobay inay soo farageliyaan xiisada ka dhex taagan Venezuela iyo Maryekanka.