Mareykanka oo seddax qof ku dilay badda Kariibiyaanka

0
94

Milatariga Mareykanka ayaa weeraray doon maraysay Badda Caribbean-ka, taasoo dishay saddex qof, iyadoo ay sii wadaan weerarrada cirka ee dhimashada sababay .
Tan iyo bishii Sebtember mareykanka ayaa dilay ugu yaraan 133 qof .
Taliska Koonfurta ee Mareykanka (SOUTHCOM), oo kormeera hawlgallada milatari ee Latin Ameerika iyo Kariibiyaanka, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka “ay qaadeen weerar dhimasho keenay ” horraantii Jimcihii, kaasoo dilay saddex qof.
Milatariga Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay sheegashadiisa, iyada oo aan la bixin wax caddayn ah, in ay beegsanayeen dad looga shakisan yahay ka ganacsiga daroogada, waxayna ku tilmaameen kuwa lagu dilay weerarka “argagixiso.
SOUTHCOM ayaa soo saartay muuqaal muujinaya weerar gantaal ah oo lagu qaaday doonta.