Maraykanka oo Muuse Biixi kala hadlay arrinta magaalada Laascaanood

0
178

Dowladda Maraykanka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi kala hadashay dagaalka Laascaanood gaar ahaan khasaaraha ka dhashay rabshadaha.
Waxaa uu ku baaqay Maraykanka in si degdeg ah loo joojiyo xabadda islamarkaana aan la carqaladeyn howlaha gargaarka binii’aadanimo ee la gaarsiinayo shacabka Laascaanood.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii uu Hargeysa booqasho ku tagay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle.