Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday duqeyn cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo ka jawaabayay weerar ururkan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Libikuus oo ka tirsan Jubbada hoose.
Taliska Mareykanka ee Afrika oo war soo saaray, ayaa sheegay in ciidamadooda loo fasaxay inay fuliyaan weerarro ay ku difaacayaan ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya.
Howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in laba ka mid ah kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal duqaynta ah iyo in aynan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqeynta.
Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo looga hor taggayo khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weerarrada.
Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay inay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hor taggo dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.




