Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay la-talin dhanka ammaanka ah oo ku wajahan muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya, iyadoo ka digtay khatarta weeraro Argagixiso, maadaama ay soo dhawaatay sanadguuro waaweyn oo lagu xusayo weeraro dhacay.
Bayaan ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa ku boorisay dadka Mareykanka ah inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, iyadoo xustay in kooxaha xagjirka ah sida al-Shabaab ay weli sii wadaan khatarta joogtada ah.
Goobaha sida hoteelada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada dugsiyada, saldhigyada booliiska, goobaha cibaadada, iyo meelaha kale ee ay tagaan ajaanibta iyo dalxiisayaasha ayaa noqon kara bartilmaameedyo ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Kenya.
Digniintan ayaa timid iyadoo la qorsheynayo inay qabsoomaan sannad-guuradii weerarradii hore, oo ay ku jiraan weerarradii argagixisanimo ee Mareykanka lagu qaaday 11 bishii Sebtembar ee sanadkii 2001 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof,weerarkii Bishii Sebtember sanadkii 2013-kii ee laga fuliyay xarrunta ganacsiga Westgate oo ay ku dhinteen 67 ruux iyo weerarkii 7-dii bishii Oktoobar sanadkii 2023-kii ay Xamaas ku qaaday gudaha Israa’iil.
Saraakiishu waxay xuseen in kooxaha xagjirka ahi ay hore u isticmaali jireen taariikhyadan oo kale si ay u qaadaan weeraro.
Safaaradda Mareykanka ayaa kula talisay muwaadiniinta Kenya inay ka feejignaadaan goobaha caamka ah, ayna dib u eegaan qorshayaasha amniga ee shaqsiga ah, oo ayna xogtooda hoos u dhigaan.
Iyadoo mas’uuliyiinta Kenya ay weli feejigan yihiin, waxay carrabka ku adkeysay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi in dabeecadda argagixisanimo ee aan la saadaalin karin ay u baahan tahay wacyi-gelin shaqsiyeed oo sare loo qaado toddobaadyada soo socda.
Kenya waxay adkeynaysa amniga dalka si looga hortago weeraro isdaba joog ah oo al-Shabaab ay la beegsan karto ciidamada ammaanka, goobaha ay dadku isugu yimaadaan, iyo goobaha rayidka ah.
Inkastoo la xoojiyay howlgallada ka dhanka ah falalka argagixisanimada, kooxda Al shabaab ayaa weli ah khatar weyn, iyadoo warbixinnada sirdoonka ay ka digayaan in la xoojiyo amniga caasimada Nairobi iyo magaalooyin kale sida lagu xusay bayaanka Mareykanka.
Talada Mareykanka ayaa imaaneysa iyadoo hay’adaha ammaanka Kenya ay xoojiyaan roondada iyo ilaalinta xarumaha ganacsiga, xarumaha gaadiidka, iyo xarumaha dublamaasiyadeed, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan khataro ku xeeran maalmaha xasaasiga ah ee sanadguurada weeraradii hore ee dalka uga dhacay.