Mareykanka ayaa sheegay in uu madaxweynaha Colombia Gustavo Petro kala noqon doono fiisaha dal-ku-galka kadib markii uu Jimcihii ku soo baxay waddooyinka New York ee dalka Mareykanka dibadbax lagu taageerayo Falastiin, wuxuuna ku booriyay askarta Mareykanka in ay diidaan amarka madaxweyne Donald Trump.