Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka, Marco Rubio, ayaa saaka telefoonka kula hadlay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Australia, Penny Wong, iyagoo “ka wada hadlay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi Beach ee Sydney”, ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tommy Pigott, oo soo saaray bayaan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku “si adag u cambaareynayo weerarka argagixiso .
Booliska New South Wales ayaa sheegay in 15 qof, oo ay ku jirto gabar 10 jir ah, lagu dilay weerarka toogasho.
Weerarku wuxuu dhacay iyadoo munaasabad lagu xusayay bilowga Hanukkah ee Yahuuda booliiska ayaana sheegay inay ula fal galayaan dhacdo argagixiso.
Labada nin ee hubeysnaa waxay ahaayeen aabe iyo wiil uu dhalay, sida ay booliiska sheegeen.
Ninka 50 jirka ah ayaa isna ku dhintay goobta halka wiilkiisana uu ku jiro isbitaal, iyadoo xaaladdiisuna halis tahay.




