Maraykanka: Wiil soomaali ah oo ka soo dhacay dabaqa 23-aad oo labo cad u kala go’ay

0
310

Waxaa lagu soo warramayaa in nin soomaali ah uu labo cad u kala go’ay ka dib markii uu ka soo dhacay dabaq aad u dheer oo ku yaalla xaafadda Cedar-Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan oo dhallinyaro ahaa uu iska soo tuuray dabaqa 23-aad ee dhismahaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka hor intaa uusan dhulka gaarin uu ku dhacay meel derbi ah taas oo keentay inuu labo cad u kala go’a.
Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ninka dhallinyarada ah ee iska takhalusay uu qabay xanuunka maskaxda, iyadoo ehellada marxuumka iyo bulshada ay arrinkan aad uga walaaceen.