Waxaa isa soo taraya waddamada qaar oo ka falcelinaya ninkii kitaabka Qur’aanka ku gubay dalka Sweden.
Ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Maraykanka, Vedant Patel, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhacdadaasi ay tahay wax laga xumaado islamarkaana aanan la aqbali Karin.
Dhanka kale, Morocco ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Sweden.
Wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa isna si adag u cambaareeyay falkaasi.
Dhacdadan waxaa sidoo kale cambaareeyay dalka Turkiga.