Maraykanka oo Xuutiyiinta u aqoonsaday koox argagixiso

0
214

Dowladda Maraykanka ayaa kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanto gudaha Yemen u aqoonsatay urur argagixiso oo caalami ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kooxdan weerarro ku bartilmaameedsatay maraakiibta adeegsanaya badda Cas.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerarradan oo ay uga falcelinayaan duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.