Maraykanka oo xayiraado cusub saaray Iiraan

0
643

Maamulka madaxweyne Joe Biden ee Maraykanka ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogay dowladda Iiraan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay socdaan dadaallo dibloomaasiyadeed oo lagu soo noleynaya heshiiskii nukliyeerka ee sanadkii 2015-kii.
Xilligaasi ayay Iiraan iyo qaar ka mid ah waddamada ugu awoodda badan caalamka ku heshiiyeen inay xukuumadda Tehran hoos u dhigto hubkeeda nukliyeerka si xayiraadaha looga qaado.
Hasa ahaate xayiraadda cusub oo ay ku dhawaaqday wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa ah mid lagu bartilmaameedsanaya shakhsiyaad iyo shirkado lagu tilmaamay iskuxir caalami ah.
Waxyaabaha lagu eedeynaya waxaa ka mid ah inay shidaal iyo kiimiko u iibgeeyeen bariga qaaradda Aasiya.