Maraykanka oo xayiraad saaray shirkadda basaska ee Crown

0
404

Waaxda maaliyadda ee Maraykanka ayaa xayiraad ku soo rogtay ilaa 16 shirkadood oo uu ka mid yahay baska laga leeyahay Kenya ee Crown Bus.
Maraykanka ayaa sheegay in shirkadda ay Al-Shabaab garab ku siisay howlaha tasiilaadka.
Sidoo kale xayiraaddan ayaa saameynaysa shakhsiyaad iyagana lala xiriiriyay dhaqidda lacagaha lagu taageero Al-Shabaab.
Maraykanka ayaa laga soo xigtay in sanad kasta ay argagixisadu ugu yaraan 100 milyan oo doolar si baad ah uga qaadato shakhsiyaad iyo shirkado maxalli ah.
Dadka ay xayiraadda ku soo rogtay waaxda maaliyadda ee Maraykanka waxaa ka mid ah Faysal Yusuf Dini (Dini), oo la sheegay in ay si dhow u wada shaqeeyaan Maxamad Jimcaale Cali Cawaale.