Dowladda Maraykanka ayaa xayiraad saartay madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, xaaskiisa iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulkiisa.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu eedeyay ku lug lahaanshaha falalka musuqmaasuqa iyo tacaddiga ka dhanka ah xuquuqul aadanaha.
Waxaa cunaqabateynta ku dhawaaqay xafiiska waaxda maaliyadda ee Maraykanka u qaabilsan maareynta hantida dibadda .
Xayiraadda ayaa lagu bartilmaameedsaday ilaa saddex shirkadood oo lala xiriirinaya qoyska Mnangagwa, ku xigeenkiisa Constantino Chiwenga iyo taliye hore oo militari Walter Tapfumaneyi .
Cunaqabateynta ayaa saameynaysa ilaa 11 qof.
Tani ayaa timid ka dib markii dib u eegis lagu sameeyay Barnaamijka xayiraadaha oo jiray tan iyo sanadkii 2003.
Sidoo kale waxaa meesha laga saaray cunaqabateyn uu horay Maraykanka ugu soo rogay shacab u dhashay Zimbabwe.