Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu aarsan doono isagoo sheegay inay ka jawaabi doonaan weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay saldhig ay ciidamadiisa ku leeyihiin meel u dhow xuduudda ay wadaagaan waddamada Jordan iyo Syria.
Waxaa weerarkaasi lagu dilay 3 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka.
Mr. Biden ayaa weerarkaasi ku eedeyay kooxaha mayalka adag ee ay taageerto dowladda Iiraan ee ka howlgala dalalka Syria iyo Ciraaq.
Hasa ahaate, dowladda Iiraan ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerarkaasi.
Iiraan ayaa sidoo kale beenisay eedeymaha ugu yimid Maraykanka iyo Britain, taas oo ah inay taageereyso kooxda looga shakisan yahay inay fulisay weerarka.
Waa markii ugu horreysay oo duqeyn lagu dilo ciidamo Maraykan ah oo ka howlgala Bariga Dhexe, tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, oo ay ururka Xamaas weerar ku qaadday Israa’iil.




