Maraykanka oo Ukraine u ballanqaaday hannaanka difaaca hawada

0
488

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy u ballanqaaday in xukuumadda Washington ay wadankaasi siin doonto nidaamka casriga ee la iskaga difaaco weerarrada dhanka cirka ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Ruushka uu weerarro gantaallo loo adeegsaday uu ku bartilmaameedsaday magaaloyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine oo ay ka mid tahay caasimadda Kyiv.
Biden ayaa ballanqaadkan sameeyay xilli uu khadka taleefoonka kula xiriiray Zelenskyy.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka hor inta toddobada xubnood ee caalamka ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha ee G7 ee kala ah Canada, France, Germany, Italy, Japan, United Kingdom, United States iyo Midowga Yurub aynan yeelan kulan degdeg ah.
Shirka ayaa la doonayo in lagu garab istaago Ukraine oo Ruushka lagula xisaabtamo weerarrada ay ku dhinteen ugu yaraan 14 ruux.
Biden waxaa uu sidoo kale Zelenskyy u sheegay in Maraykanka iyo saaxiibadiisa ay sii wadayaan in xukuumadda Moscow loo qabto dembiyada dagaalka .
Sidoo kale dhinacyadan ayaa Ukraine u sii fidin doono taageero amni, dhaqaale iyo baniaadannimo.
Maamullada Ukraine ayaa laga soo xigtay in Ruushka uu 10 magaalo ku garaacay 84 gantaal halka 56 ka mid ah lagu burburiyay hannaanka difaaca ee hawada sare.