Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa weli Israa’iil ku cadaadinaya inay oggolaato in la soo dhiso dowlad Falastiin oo madax bannaan.
Arrintan ayuu Joe Biden kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Biden iyo Netanyahu ayaa markii ugu horreysay wada xiriiray muddo bil ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay diiddan tahay in Falastiin ay yeelato maamul dowladeed oo madax bannaan marka laga gudbo duullaanka militari ee ka socdo Qaza.
Shalay ayay ahayd markii ay qaramada midoobay sheegtay in ku dhawaad 20,000 oo carruur ah ay ku dhasheen xaalado aan la rumeysan karin oo ka jira Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.




