Dowladda Maraykanka ayaa cadeysay in haddii Shiinaha uu hub siiyo Ruushka oo weli duullaan militari ku haya Ukraine ,in xukuumadda Beijing ay la kulmi doonto cawaaqib xumo.
Waxaa digniintan soo saaray la taliyaha arrimaha amniga ee aqalka cad ee Maraykanka Jake Sullivan.
Wareysi uu siiyay telefishinka CNN ayuu ku sheegay in Shiinaha ay u furan tahay go’aanka uu qaadanaya balse haddii uu taageero militari siiyo Ruushka inuu khasaare wayn ka soo gaari doono.