Maraykanka oo taageero dheeraad ah siinaya Ukraine

0
240

Xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa maanta sheegay in xukuumadda Washington ay ansaxisay taageero dheeraad oo gaaraysa 675 milyan oo doolar oo ay u fidinaysa Ukraine.
Waxaa uu xusay in caawimaaddan ay tahay mid militari.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in garab istaagga ay u muujinayaan Ukraine uu kor u dhaafayo 2 bilyan oo doolar.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la isugu yeeray wada hadallo looga arrinsanaya dhibaatooyinka ka taagan Ukraine kuwaasoo ka qabsoomaya dalka Jarmalka.
Madaxweynaha wadanka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadiisa ay dib ula wareegeen degmooyin badan oo hoos tago gobolka Kharkiv oo uu horay u qabsaday Ruushka.