Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay garab siin doonto maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da oo baaritaano ku haysa xadgudubyo ciidamada Ruushka lagu eedeyay inay ka gaysteen gudaha wadanka Ukraine.
Waxaa go’aanka xukuumadda Washington xaqiijiyay labo senatarro sare ah.
Senatarradan ayaa kala ah Dick Durbin oo ah guddoomiyaha xisbiga dimuqraadiga ee arrimaha cadaallada aqalka sare iyo Lindsey Graham oo xubin ka ah guddiga.
Waxay labaduba hoosta ka xarriiqeen inay xaqiijin doonaan in lala xisaabtamo shakhsiyaadka gaystay gaboodfallada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha.