Maraykanka oo su’aal geliyay tirada dadka lagu dilay Qaza

0
266

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inuunan ku kalsoonayn tirada dadka ee ay wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin shaacisay inay ku dhinteen weerarrada Israa’iil ee Qaza.
Warbixintii ugu dambeysay ayaa muujinaysa in tan iyo 7-dii bishan halkaasi lagu dilay ugu yaraan 6,546 qof oo Falastiiniyiin ah halka dhanka Israa’iil laga dilay in ka badan 1,400.
Hasa ahaate Biden ayaa sheegaya inuunan rumeysan tirada ay Falastiin shaacisay.
Waxaa uu intaasi ku daray inuunan dafirayn inay jiraan dad shacab ah oo la dilay iyagoo aan waxba galabsan.
Hasa ahaate madaxweynaha Maraykanka ayaan caddeyn sababta uu su’aal u geliyay tirada Falastiiniyiinta ee lagu dilay duqeymaha Qaza xilli uu ka jawaabayay su’aal lagu waydiiyay shir jaraaid oo ay wada qabteen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese.
17-kii bishan ayay ahayd markii Maraykanka uu sheegay in weerarkii lagu qaaday isbitaalka Al-Ahli ee Qaza ay ku dhinteen 100 ilaa 300 oo qof in kastoo Falastiin ay tiradaasi ku sheegtay 471 ruux.