Maraykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Ruto iyo Raila

0
310

Safiirka dowladda Maraykanka ku matasho dalkani Kenya Ambasadoor Meg Whitman ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay soo dhaweynayaan tallaabadii ay qaadeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in nidaam baarlamaanka loo maraya oo loo dhan yahay lagu xalliyo tabashada mucaaradka ay ka qabaan shaqaaleysiinta howlwadeennada cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Madaxa mucaaradka Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay talada madaxweynaha sidoo kalena oggolaaday isagoona hakiyey dibadbax ay horay mucaaradka u qorsheeyeen inay shalay dhigaan.
Whitman ayaa hoosta ka xarriiqday in geeddisocodkan uu yahay mid lagu raadinaya xal ay ka wada faa’iidayaan dhammaan kenyaanka.
Waxay sheegtay in labada hoggaamiyeyaal ay ku bogaadinayaan sida ay uga go’an tahay in la yeesho wada hadal nabadeed .
Safiiradda ayaa xustay inay dhammaan dhinacyada kala duwan ugu baaqayaan inay taageeraan geeddisocodkan.

Waxaa sidoo kale tallaabada ay qaadeen madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaha garabka mucaaradka soo dhaweeyay xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo labada mas’uul ku bogaadiyey inay qaab wada hadal ah xal ugu raadinayaan caqabadaha dalka ka jiro.