Maraykanka oo sheegaya in Ruushka ay dagaalka Ukraine uga dhinteen in ka badan 100 kun oo sarkaal

0
197

Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Maraykanka Mark Milley ayaa sheegay in tan iyo markii Ruushka uu ku duulay Ukraine halkaasi looga dilay ama ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 100,000 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee xukuumadda Moscow.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada New York waxaa uuna xusay inay suurtagal tahay in waxyeello tani la mid ah la gaarsiiyay dhanka Ukraine.
In kastoo tiradan aan si madax bannaan loo xaqiijin haddana Mark Milley ayaa sheegaya inay jirto fursad wada hadal oo lagu soo afjari karo colaadda soo billaabatay 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guul militari aynan u suurtageli karin Ruushka iyo Ukraine labaduba.