Maraykanka oo sheegaya in Putin uu isku diyaarinaya dagaal muddo dheer ah

0
489

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin uu u diyaar garoobayo dagaal uu muddo dheer ku hayn karo Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadda Moscow ay duullaan culus ka wado bariga Ukraine oo Ruushka lagu eedeynaya inuu iskudayaya inuu maamulo.
Agaasimaha sirdoonka qaran ee Maraykanka Avril Haines ayaa guddi ka tirsan aqalka sare ee dalkaasi u sheegtay in Putin uu weli niyad u hayo haleelidda ujeeddooyinkiisa in kastoo aynan isku dheeli tirnayn hiigsigiisa iyo awoodda militari ee ciidamadiisa.