Maraykanka oo sheegay inuu Syria ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan ISIS

0
254

Taliska dhexe ee militariga Maraykanka ee (CENTCOM) ayaa bayaan uu saaka soo saaray ku sheegay in horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS looga takhalusay gudaha dalka Syria.
Waxaa bayaanka ku cad in saraakiisha Maraykanka keliya ay fuliyeen duqeyntan.
Horjoogaha ISIS ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Khalid Aydd Axmad al-Jabouri.
CENTCOM ayaa intaasi ku dartay in al-Jabouri uu mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarrada ISIS ee gudaha Yurub iyo dejinta hannaanka hoggaamineed ee kooxda.
Waxay intaasi ku dartay in dhimashadiisa ay si ku meel gaar ah u carqaladeyn doonto awoodda ay ISIS ku maleegi karto weerarrada dibadda.
Maraykanka ayaa laga soo xigtay in duqeynta lagu dilay al-Jabouri la fuliyay Isniintii waxaana bayaanka lagu xusay inaynan jirin dad rayid ah oo lagu dilay ama ku dhaawacmay weerarka.