Maraykanka oo sheegay inuu sii wadi doono taageeridda Ukraine

0
354

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in taageerada militari ee ay siiso Ukraine ay noqon doonto mid joogto ah .
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken xilli uu safar ku tagay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
Xoghayaha ayaa xusay in garab istaagga xukuumadda Kyiv uu sii jiraya ilaa laga xaqiijinaya nabadgalyadeeda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo bishii Labaad ee sanadkii 2022-kii uu Ruushku duullaan militari ka wado gudaha Ukraine.