Maraykanka oo sheegay inuu duqeymo ka fuliyay deeganno ka tirsan Soomaaliya

0
522

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Al-shabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaaliya.
Howgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Jihaad doonka ah.
Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden.
Waxaa ay arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.
Maalintii Khamiistii ayay ahayd markii saddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.