Qiimeyn uu maalgelinayay Maraykanka oo lagu sameeyay bangiga dhexe ee dalka Afghanistan ayaa lagu ogaaday in waaxdan maaliyadeed aynan ka madax bannaaneyn maamulka kooxda Taalibaan iyo maalgelinnada argagixisada sidoo kale wax isdaba marinnada lacageed.
Waxaa warbixinta soo saaray taliyaha guud ee gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dib u dhiska Afghanistan ee (SIGAR),
Warbixinta ayaa lala wadaagay kongareeska Maraykanka.
Waxaa qiimeynta gacan ka gaysatay hay’adda horumarka caalamiga ee Maraykanka ee USAID in kastoo loo xil saare qandaraasle madax bannaan.