Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in gudaha wadanka Niger laga soo daadgureynaya dhammaan howlwadeennada safaaradda ay halkaasi ku leeyihiin ee aan fidin adeegyada degdegga ah.
Daadgureyntan ayaa lagu sheegay mid ku meel gaar ah.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Matthew Miller ayaa bayaan ku sheegay in tallaabadan ay tahay mid ku saleysan taxaddar heer sare ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in safaaradda Maraykanka ee magaalada Niamey ay sii furnaan doonto in kastoo laga bixinaya adeegyo xaddidan oo kuwa degdegga ah.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay sii wanaajinta xiriirka kala dhexeya shacabka dalka Niger iyo taageeridda dimuqraadiyadda wadankaasi oo uu saameeyay afgembi.
Xukuumadda Washington ayaa dhanka kale muwaadiniinteeda ku boorrisay inaynan Niger ku tagin safarrada laga maarmi karo si gaar ah magaala madaxda wadankaasi.