Maraykanka oo shaaciyay tirada haweenka iyo carruurta ee lagu dilay Qaza

0
220

Xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ,Lloyd Austin ayaa sheegay in ugu yaraan 25,000 oo isugu jiro carruur iyo haween lagu dilay Qaza.
Dilalkan ayuu sheegay inay dhaceen laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore xilligaasi oo ay Israa’iil guda gashay duqeymo militari.
Austin ayaa arrinkan ka sheegay golaha congress-ka ee Maraykanka oo lagu wareysanayay.
Hasa ahaate ma uunan caddeyn hubka uu Maraykanku ku taageeray Israa’iil tan iyo intii uu billowday duullaanka Qaza ee dalka Falastiin.