Maraykanka oo mar kale sheegay inuu taageeraya Israa’iil

0
205

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in dalkeeda uu sii wadaya taageerada uu siinaya Israa’iil.
Waxay dhanka kale walaac ka muujisay xaaladaha baniaadannimo ee ka taagan Qaza.
Kamala ayaa carrabka ku adkeysay in loo baahan yahay in gargaar dheeraad ah la geeyo Marinka Qaza.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay kulan la qaadatay Benny Gantz oo xubin ka ah baarlamaanka Israa’iil kana tirsan golaha wasiirrada ee Israa’iil u qaabilsan dagaallada horayna u soo noqday wasiirkii gaashaandhigga iyo ra’iisul wasaare ku xigeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay in ka badan 30,534 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 71,920 kale.