Maraykanka oo la xisaabtamaya shirkadaha hubka ka iibiya Ruushka

0
245

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay la xisaabtami doonto shirkadaha hubka ka iibiya Ruushka.
Xukuumadda Washington ayaa bilooyin dhowr ah sheegaysay inay suurtagal tahay in Kuuriyada Waqooyi ay hub ka iibinaysa Moscow.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay hoosta ka xarriiqday in wada xaajoodyada arrinkan ku aaddan sare loo sii qaaday.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Matthew Miller ayaa warfidiyeennada u sheegay in tallaabadan ay liddi ku tahay qaraarro dhowr ah oo uu soo saaray golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa uu intaasi ku daray inay horay xayiraado u saareen shirkadaha garab siinaya duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado gudaha Ukraine oo aynan marnaba ka gaabin doonin inay soo rogaan cunaqabateyn dheeraad ah haddii ay dantu keento.