Danjiraha Maraykanka ku matasho Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa ku baaqday in la dejiyo xaaladda Bariga Dhexe.
Waxay golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u sheegtay in hadda ay jirto ifafaalo ku aaddan heshiis xabbad joojin iyo maxaabiista u kala xiran Israa’iil iyo Xamaas in la siidaayo.
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa sii korortay ka dib dilkii madaxii Xamaas Ismaaciil Haniyeh loogu gaystay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan.