Maraykanka oo ka hadlay qorshaha uu ciidamadiisa kaga saaraya Afghanistan

0
539

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uunan suuraysan karin ciidamo sanadka dambe kaga sugan gudaha wadanka Afghanistan.
Hasa ahaate ma uunan shaacin jadwal cad oo ku aaddan xilliga ay xukuumadda Washington ciidamadeeda kala baxayso dalkaas.
Waxaa horay u jiray heshiis dhex maray Maraykanka iyo kooxda ka soo horjeedda dowladda Afghanistan ee Taalibaan.
Qodobbadii lagu heshiiyay waxay ahayeen in saraakiisha amniga ee Maraykanka ay Afghanistan ka baxayaan ugu dambeyn 1-da bisha shanaad ee sanadkan.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa bishii labaad ee sanadkii 2020-kii ballanqaaday in la saaraya 2,500 oo askari oo ka joogo Afghanistan.
Kooxda Taalibaan ayaa dhankeeda xilligaas sheegtay in aynan rabshad adeegsan doonin sidoo kalena ay kooxaha sida Al-Qaacida ka hor istaagi doonto in ay Afghanistan ka dhigtaan marin laga weeraro Maraykanka iyo xulafadiisa.
Waxaa weli dalka Afghanistan ka socdo weeraro dhawaan lagu dilay wariyaal , shaqaalaha dowladda iyo howlwadeenada gargaarka.