Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa Israa’iil uga digay in ay goosato Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Tani ayaa timid ka dib markii baarlamaanka Israa’iil uu ansixiyey labo hindise sharciyeed oo ku aaddan qorshahan.
Rubio ayaa sheegay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay heshiiska xabbad joojinta ee ay kala saxiixdeen Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu caddeeyay in aynan taageerayn mowqif kasta oo wax u dhimaya dadaallada lagu soo afjaraya colaadda Qaza.