Maraykanka oo Israa’iil iyo Xamaas ugu baaqay in ay heshiiyaan

0
271

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Israa’iil iyo Xamaas ku boorriyay in ay heshiis wada gaaraan.
Waxaa uu dalalka dhexdhexaadinta qaybta ka ah sida Qatar iyo Masar kula taliyay in ay xaqiijiyaan in ugu dambeyn la isku afgarto heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan galo Qaza.
Blinken ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku marayay Bariga Dhexe oo ahaa kii sagaalaad tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Israa’iil.