Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ku dhaliilay warqadda ay soo saartay ee lagu soo xiraya Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu , wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant iyo saddex ka mid ah hoggaamiyaasha ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Biden ayaa go’aanka dacwad oogaha guud ee ICC-da Karim Khan ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.
Waxaa uu mar kale adkeeyay taageerada ay siinayaan Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xeer dejiyaasha Maraykanka ay ka soo horjeesteen go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC-da oo ay ku tilmaameen mid saameyn wayn ku yeelan kara.
Dhanka kale, ugu yaraan 18 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo uu militariga Israa’iil saacadihii la soo dhaafay ka gaystay Jabalia iyo Beit Lahiya oo ku yaalla Waqooyiga Qaza.