Maraykanka oo fuliyay duqeymo uu ku taageeraya dowladda Afghanistan

0
538

Dowladda Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa inay gaysatay weeraro dhanka cirka ah oo ay ku taageerayso Afghanistan.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay afhayeen u hadlay waaxda gaashaan dhigga xukuumadda Washington, John Kirby.
In kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin wuxuu xusay inay dowladda Afghanistaan garab u muujinayaan maadaama dhawaan ay culeys dheeraad ah saartay kooxda ka soo horjeeda ee Taalibaan.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa dhankiisa sheegay in duqeymaha oo lala eegtay magaalada Koonfureed ee Kandahar looga dilay saddex dagaalyahaan halka labo baabuur laga burburiyay.