Maraykanka oo duqeeyay Xuutiyiinta Yemen

0
144

Taliska dhexe ee militariga Maraykanka ee (CENTCOM) ayaa laga soo xigtay inuu meelaha ay maamulaan Xuutiyiinta ee dalka Yemen ku bartilmaameedsaday duqeymo afar ah.
Bayaanka waxaa ku cad in Xuutiyiintu ay goobahan ugu diyaar garoobayeen fulinta weerarro ka dhan ah maraakiibta Maraykanka ee adeegsanaya Badda Cas.
Waxay intaasi ku dareen inay doonayaan ilaalinta xurriyadda ganacsi ee maraakiibta iyo in biyaha caalamka laga dhigo kuwo nabdoon oo aan dhibaatooyin lagu gaysan.