Maraykanka oo diyaarado ku caawinaya Ukraine

0
369

Waaxda gaashaandhigga ee dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay Ukraine siinaysa taageero amni oo dheeraad ah oo gaaraysa 400 oo milyan oo doolar.
Waxaa caawimaaddan qayb ka ah gantaallada difaaca , baabuurta aynan xabbadu karin iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Agabkan ayaa la doonaya inay dowladda Ukraine u adeegsato howlgallada iska caabinta ee ka dhanka ah Ruushka.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Maraykanka ku taageeraya Ukraine ayaa loo yaqaana Black Hornet nano waxaana inta badan loo adeegsadaa kormeerka iyo uruurinta xogaha sirdoonka.
Taageeradan ayaa noqonaysa midii 43-aad ee uu Maraykanka gaarsiinaya xukuumadda Kyiv.
Tan iyo markii uu 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore billowday duullaanka militari ee uu Ruushku weli ka wado gudaha dalka Ukraine, Maraykanka ayaa dowladda wadankaasi siiyay taageero militari oo u dhiganta in ka badan 43 bilyan oo doolar.